DHAGEYSO Madaxweynaha Soomaaliya oo mar kale baaq u jeediyay dhalinyarada shabaabka ah

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlaya dhalinyarada wali ku jirta kooxda dhibaatada badan ee AlShabaab.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in kooxdaan ay wali heesato jaanas ah in dowlada ay isku soo dhiibi karaan dhalinyarada ku jira.

Mudane Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhalinyarada shabaabka inay go’aan qaataan oo ay isku soo dhiibaan dowladooda