DHAGEYSO: Jawaari “Waa Naga Go’an Tahay Inaan Soo Afjarno Arinta Mooshinka Maalinta Sabtida Ah”

0

Muqdisho, AGGM: Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay maanta dood Xasaasi ah ka yeelan doonaan Mooshinkii laga soo gudbiyey R/wasaaraha Dalka Mudane Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed.

Waxa shalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari uu sheegay in maanta oo Khamiista ah kulanka uu yahay Ajandahiisa soo gudbinta magacyada Xildhibaanadii saxiixay Mooshinka iyo ka doodista.

Jawaari waxa uu sheegay in dooda maanta ay noqon doonto mid saacado badan xitaa haday ku qaadato ay shaqeyn doonaan habeen iyo maalin islamarkaana maalinta Sabtida Codka Kalsoonida loo qaadi doono R/wasaaraha Dalka.

Xildhibaanada taageersan R/wasaaraha Soomaaliya ayaa weli muujinaya in Mooshinka lasoo gudbiyey mid sharci daro ah.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com