DAAWO:- Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Bilaabay Ka Doodista Mooshinka Ka Dhanka Ah Xukuumada R/wasaare Cabdiwali Sheekh…

0

Muqdisho, AGGM:Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka shir gudoominaya ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ka codsady in ay is qoraan kadibna ay ka doodaan mooshinka laga soo gudbiyay Xildhibaanada.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ayaa isku qoray kadoodista mooshinka, Xildhibaanada ayaa u kala qeybsan labo garab kuwaa oo kala taageersan Mooshinka laga gudbiyay Xukuumada iyo Xildhibaano kale oo iyana kasoo horjeeda Mooshinka.

Wararka aan hada heleyno ayaa sheegaya in ay bilaabatay dooda Xildhibaanada Baaramaanka ee kaga doodayaan mooshinka ka dhanka ah Xukuumada , waxaana kulanka Baarlamaanka la filayaa in uu waqti badan qaato.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com