DHAGEYSO: Wasiiro hor tagaya kulanka maanta ee Baarlamaanka…

0

Maalintii shalay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa u yeeray labo wasiir oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya si ay su’aalo wasiiradaasi kaga weydiiyaan hindise sharciyeedyo ay soo diyaariyeen.

Wasiirka maaliyada xukuumada   Xuseen Cabdi Xalane iyo wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka C/laahi Goodax Barre ayaa looga yeeray xarunta golaha shacabka, waxaana la qorsheynayaa inay maanta baarlamaanka hortagaan.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in hindise sharciyeedyada labada wasiir maalintii shalay loo qeybiyay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, maanta aqrinta koowaad ay dhici doonto.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa Maanta oo Arbaco ah, khamiis iyo maalinta Sabtida si adag u shaqeyn doona , maadaama ay horyaala mooshinka ka dhanka ah xukuumada iyo hindise shariciyeedyada, sida uu sheegay gudoomiye Jawaari.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com