DHAGEYSO: Wafdi ka socda QM oo Baladweyne kula kulmay maamulka gobolka.

0

Wafdi ka socda Laamaha samafalka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray magaalada Beladweyne ee xaruunta gobolka Hiiran, kuwaasi oo kulamo la yeeshey mas’uuliyiinta maamulka gobolka.

Wafdigan oo uu hogaaminayo Isku duwaha howlaha beni’aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Philip Lazzarine, waxaana ay kulan la qaateen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo qeybaha bulshada, kaasi oo looga hadlay arrimaha beni’aadanimada ee ka jirta gobolka iyo kaalinta ay hay’adaha samafalka ee Qaramada Midoobay ka geysan karaan.

Phili Lazzarine oo kulanka kaddib la hadlay saxaafadda ayaa ku booriyay odayaasha dhaqanka iyo ururrada bulshada rayidka ah doorka uga aadan hagaajinta xaaladda beni’aadanimo ee ka jirta degmooyinka uu ka koobanyahay gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiran Cabdifataax Xasan Afrax ayaa sheegay in wafdiga ka socda laamaha samafalka ee Qaramada Midoobay ay isla meel dhigeen arrimo badan oo ku saabsan xaaladda beni’aadanimo, isagoo intaa ku daray in ay ka codsadeen sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka ku nool goobaha Shabaabka laga xoreeyay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com