DHAGEYSO:Magaalada Baydhabo oo maanta lagu caleemo saarayo madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Adan

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi la doonayo in lagu caleemo saaro madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Shariif Xasan, ayaa bishii lasoo dhaafay waxaa lagu doortay magaalada Baydhabo, kadib markii ergadii doorashada ay u codeeyeen inka badan 370 cod, dadkii la tartamayayna ay isaga hareen doorashada.

Masuuliyiin kala duwan oo ka socota maamul goboleedyada dalka ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan caleemo saarka maana magaalada Baydhabo loogu sameynayo madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galaya xafladaasi madax matalaysa inka badan 11 safiir oo beesha caalamka ah iyo madax ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Waxaa iminka magaalada Baydhabo ka socota qaban qaabada xaflada caleemo saarka madaxweynaha maamulka koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh  Aadan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com