Kenya oo laga taageerayo la dagaalanka Alshabaabs

0

Muddo labo todobaad ah Alshabaab ayaa dalka Kenya ku dilay inka badan 60 ruux, kadib markii toogasho ay kula dhaqaaqeen 28 ruux oo kusii jeeday magaalada Nairobi iyo 36 ruux oo ku sugnaa goob kaawada laga qodo oo ku taala duleedka Mandheera.

Alshabaab ayaa sheegtay masuulada weerarka, waxaana la sheegay inay bartilmaameyd ka dhiganayeen dadka aan Muslimka aheyn ee ka shaqeeya duleedka degmada Mandheere ee dalka Kenya.

Weerarkaasi ayaa noqday weerarkii labaad ee ugu qasaaraha badnaa kaasi oo muddo labo todobaad gudahood ka dhaca meel ku dhow degmada Mandheera oo ku taala xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Muddo 10 maalin ka hor Alshabaab ayaa gaari kala dagay dad rakaab ahaa oo kusii jeeday magaalada Nairobi, iyagoo dilay 28 ruux oo dadkasi kamid ah, kadib markii look ala saaray Muslimiin iyo Karishtan, sida saraakiisha Kenya ay sheegeen.

Alshabaab ayaa weeraro dad badan ay ku dhinteen waxay ka geysteen dalka Kenya, waxii ka dambeeyay markii ciidamada dowlada Kenya ay gudaha usoo galeen dalka Soomaaliya sanadkii 2011.

Afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee qaramada Midoobay ayaa sheegay inay rajeynayaan in cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay weerarada dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay dalka Kenya.

Wuxuu sheegay inay taageero buuxda ay siin doonaan dowlada Kenya, si loola dagaalamo ururka Alshabaab loona horumariyo amaanka dalka Kenya.