Ciidamo ka tirsan Puntland oo shil ku dhaawacmay.

0

Ku dhawaad 11-askari ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay u dhaxeysa degmada Burtinle iyo tuulada Jalam oo ka kala tirsan Mudug iyo Nugaal.

Shilkaan gaariga ayaa ka danbeeyay ka dib markii gaari ay saarnaayeen tiro ciidaan ah uu halkaas ku rogmaday.

“Waxaa na soo gaartay in gaari ciidanku ay leeyihiin uu ka baxay wadada, waana u gurmanay waxaan indhahayga ku arkay askar dhaawac halis ah qaba “ayuu yiri Cali Faarax oo kamid ah dadka deegaanka uu shilka ka dhacay ,oo la hadlay warbaahinta.

Dhaawacyada askartan ayaa qaarkood la soo gaarsiiyay Gaalkacyo iyada oo tira kalena loola cararay cisbitaalka Garowe si halkaasi loogu dabiibo ,mana jiro war rasmi ah oo dowladda arintan ay ka soo saaratay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay kusoo jeedeen Garoowe, halkaasoo loo soo badalay ,waxaana soo baxaysa cabsida laga qabo in qaar kamid ah dhaawacyada ay u geeriyoodaan shilkan oo ahaa mid naxdin badan sida uu sheegay goob-joogaha.

Shilalkaan gaari ayaa loo aaneynayaa arimo dhowr ah waa mida koowaad bur bur ka muuqda wadooyinka iyo xirfad la’aan lagu eedeeyo wadayaasha gawaarida.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com