Xog: 7 qodob oo sabab u ah in Jawaari uu Hakiyo mooshinka R/W CABDI WELI

0

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DF Somalia oo Allgalgaduud  la hadlay ayaa sheegay in sababta loo hakiyay mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Cabdi Weli ay yihiin arrimo badan oo is biirsaday.

Waxa uu sheegay in Jawaari uu aad uga gubtay dhibaatooyinka ka dhasha xiliyada la gudbinaayo mooshinka ka dhanka ah R/W C/Weli, oo fowdo ay ka dhacdo baarlamanka.

Xildhibaankaani oo saaxiib dhow la ah Gudoomiye Jawaari ayaa waxa uu sheegay in 7-da Qodob ee soo socda ay sabab u yihiin in Jawaari uu mar kale joojiyo mooshinka:-

1- Beesha Caalamka oo laba jibaartay cadaadiska gudoomiyaha baarlamaanka.

2- Khilaafka oo sababay in Xildhibaanada ay laba garab u kala jabaan.

3- Jawaari oo ay soo gashay cabsi ku saabsan in isaga uu ku xigsan doono Cabdi Weli

4- Xiriirka ka dhaxeeya Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan

5- Khilaafka oo hakiyay horumarki dowladda Soomaaliya

6- Jawaari oo cabsi ka muujiyay in baarlamanka uu dib ugu laabto sidii uu ahaa xiligii KMG.

7- Xildhibaanada oo isugu goodiyay inay is dili doonaan.

Waxa uu sheegay in gudoomiyaha uu arrimahaasi khuseeya Khilaafka kala hadlaayo labada Mas’uul ee uu xifaaltanka ka dhexeeyo si aan mar kale loo soo celin mooshin.

Dhanka kale, Jawaari ayaa Madaxweyne Xasan u cadeeyay inuusan wax ka qaban karin fashilka ku yimid mooshinka, isagoona ugu baaqay inay xal gaaran, maadama ay kala awood badin waayen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com