DHAGEYSO:- Wasaaradda Gashaan-dhiga Somalia oo Sheegtay in Midowga Afrika ay kala Hadleen Tayeenta Ciidamada Xooga

0

Iyadoo Shalay Magaalada Muqdisho ay soo gaartay Wakiilka Gudoomiyaha Midowga Afrika ee haweenka, amniga iyo xasilinta ayaa Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud waxa uu sheegay in Midowga Afrika uu Soomaaliya ka taageerayo tayeynta iyo tababarida Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Sidoo kale sheegay in Midowga Afrika uu awood siinayo Ciidamada Dowlada isla markaana Dowlada Soomaaliya ay ugu maarmi lahayd joogitaanka ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Dalka Soomaaliya waxa ku sugan Ciidammo ka socda Wadamada deriska la ah Soomaaliya kuwaasi oo ka taageerayo dowlada Dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com