Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Dhiggiisa Yemen

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Sanaa ee Caasimadda Yemen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen H.E. Ambassador. Abdullah Mohamed Al-sayadi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal , xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed , iskaashiga dhaqan, dhaqaale,bulsho iyo ammaan ee ka dhaxeeya labada dal.

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kaga mahad-celiyay dowladda Yemen marti-sooridda malaayiin qaxooti Soomaali ah iyo siyaasadeeda ku aadan la dagaalanka argagaxisada iyo burcad badeeda , isagoo muujiyay in dalkiisu diyaar u yahay iskaashi balaaran oo dhinacyo badan leh oo uu la sameeyo Yemen .

 

Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa u rajeeyay dowladda iyo Shacabka Yemen in qalalaasaha ammaan iyo siyaasad ay kaga baxaan dib u heshiisiin iyo bah-wadaag siyaasadeed oo dhab ah , isagoo xusay muhiimadda dalkiisu u leeyahay deganaansho siyaasadeed iyo mid ammaan oo ka dhaqan-gasha dalka Yemen .

 

 

Dhankiisa , Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen , Amb. Abdullah Mohamed Al-sayadi ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay tahay dowlad saaxiib ah , walaal ah , ayna filanayaan inay dib uga soo kabato marxaladihii kala duwanaa ee dagaalada iyo abaaraha .

 

Amb. Abdullah Al-sayadi waxa uu ammaanay guulaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay la dagaalanka argagaxisada , dib u heshiisiinta , dowlad wanaaga iyo fidinta awoodaha federaalka .

 

Kulankani ayaa waxaa dhanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku wehlinayay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda , Siihayaha cusub Safaaradda Soomaaliya ee Sanaa,Yemen Hussein Sufi iyo Qunsulka guud ee Aden ahna Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Sanaa,Yemen, Ahmed Abdi Hassan , halka dhanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen kulanka ay ku wehlinayeen Lataliyaha Wasiirka ahna Safiirkii hore ee Yemen u qaabilsanaa Soomaaliya amb. Ahmed Hamid Omar, Siihayaha Safaaradda Yemen ee Mogadishu,Somalia amb. Fuad Mohamed Alzurqah iyo Siihayaha agaasimaha waaxda Afrika ahna uqeybsanaha hab maamuuska Hamud Mohamed Algazali .

 

Kulankani ayaa ku dhammaaday jawi isfaham leh