Qiso Gaaban Oo cajiib Ah Mudana Cibro Qaadasho Oo Dhex Martay Wiil Iyo Aabihiis..!!

0

Wiilku waa 15 jir waana Ciyaal Banooni, Odaygii ayaa ku fakaray siduu wiilkiisa ku jecleysiin lahaa Salaada uuna Tukado ileyn waa Qaangaare.

Waxuu u wacay wiilkii wuxuuna ku yiri:-

SALAADA hadaad Tukatid waxaan ku siina Lacag Bil kasta wiilkiina wuu aqbalay warkaas, Markeey Bishi dhamaatay Ayuu wiilkii u tagay Aabihiis wuxuuna ku yiri:- waqtigii balanta waa la gaaraye isii Lacagtii, Odaygii intuu ku qoslay wiilkii ayuu ku yiri:-

Aabe Salaada wa kugu waajib ee Tuko lacag kuguma siinayee facaa weey Tukadaane.

Wiilkii oo xanaagsan ayaa ku yiri aabihiis waan ogaa inaad i qiyaami doontid Anigana Sidaas darteed weeyso qaadka waxaan ka Bilaabi jiray Lugaha …