DHAGEYSO”R/wasaare Cabdiwali Sheekh oo ku Jees jeesay Xasan Sheekh Iyo Ururkiisa Damujadiid….

0

Muqdisho,AGGM: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed oo Shalay Galinkii danbe Warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in Xalka Khilaafka kala dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu diidan yahay Xalintiisa Madaxweynaha Soomaaliya.

C/wali Sheikh Axmed Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliay ayaa sheegay in Shaqsi ahaan uu soo jeediyay in Khilaafka kala dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya si hoose loo xaliyo islamarkaana Madaxtooyada Soomaaliya ay diiday.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku baaqay in Khilaafka u dhaxeeya asaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya la xaliyo si looga gudbo Xaalada Cakiran ee Dalka ka jirta.

Lama hoga sida uu uga Jawaab Celin doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud  Baaqa Ra’iisul Wasaaraha ee ku aadan in Khilaafka laga gudbo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com