DHAGEYSO:- R.W C/welli oo sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal lagu dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed Maxamed oo ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cadeeyay inuu diyaar u yahay in wax waliba oo ku saabsan khilaafka lagu dhameeyo qaab wadahadal ah.

 

 

Cabdi wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in mar waliba ay wanaagsan tahay sareynta sharciga iyo ilaalinta Dastuurka, isaga oo cadeeyay in go’aankiisa uu yahay ku dhaqanka Dastuurka dalka Soomaaliya u yaalo.

 

Waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay khilaafka jira in lagu dhameeyo qaab wadahadal ah oo oo ay kasoo qaybgalaan dhinacyada is hayaan oo dhan, iyadoo aan cadaalada laga tagin.

 

“Go’aankeyga waxa weeye inaan ku taagnaano Dastuurka iyo sharciga arintaana lagu xaliyo wadahadal iyo wadaxaajood dhinacyada is haya oo dhan ay kasoo qaybgalaan oo cadaalad ah oo dadkeena oo dhan ay ogaadaan”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku cel-celiyay in mar waliba mudnaanta uu leeyahay sareynta sharciga iyo Dastuurka dalka u yaalo oo aanan laga tallaabsan Karin.

 

Khilaafka Madaxda dowladda ka dhexjira ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhamaan Hay’adihii Dowladda ee looga fadhiyay inay shaqooyinka bulshada u qabtaan.