DHAGEYSO:- Duqayn Qasaaro Geesatay oo ka dhacday gobalka Gedo.

0

Garbahaarey, AGGM: Wararka ka imaanaya Qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ee Koofurta Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Kenya ay Duqeyn ka geeysteen Deegaanka Godin Dhabe ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay Duqeeyeen ilaa Dhowr goobeed oo ay sheegeen in Al-shabaab ay ku Dhuumaaleysanayeen.

Dhanka kale Mid kamad ah Dadka ku nool Deegaanka Godin dhabe ee Gobolka Gedo oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Diyaaradaha Kenya ay Duqeeyen Goobo Dad Rayid ah ay dagan yihiin,waxaana uu sheegay in Duqeynta Dad Rayid ah ay wax ku gaareen.

Ilaa hada  lama hayo Khasaaraha ka dhashay Duqeynta ka dhacday Gobolka Gedo  ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Halkaan hoose Ka Dhageyso…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com