DHAGEYSO:- Dood ku saabsan mooshinka iyo qilaafka ka dhaxeeya madaxda dowlada

0

Xildhibaanada Barlamanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa aad u kala qeybsan, waxana ay isku hayaan mooshin laga keenay Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisal wasaare C/wali Axmed Maxamed.

Shalay oo Isniin aheyd ayaa noqotay maalintii sadaxaad oo barlamanka uu gudan waayo shaqadiisii caadiga aheyd markii ay xildhibaano kasoo horjeeda mooshinka ay rabsho ku sameeyeen fadhiga.

Aragti kala duwanaashaha xildhibaanada ayaa xiisada sare u qaaday, waxana ay keentay in Guddoomiyaha barlamanka uu ku dhawaaqo in shaqada barlamanka ay joogsatay, tan iyo inta laga xalinayo dhibka jira.

Markii hore khilaafka ayaa ka soo bilaawday Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha kaasi oo aakhirkii sababay in shaqadii labada gole ay joogsato.

Hadaba Maxatay Sababta Dhabta ah ee Ka Danbeysay Khilaafka Barlamanka Dhexdiisa Ka Jira, Dhageyso Doodan oo Macluumaad Badan Xam Baarsan: