Sawirro: Waaxda Shaqada iyo Shaqaala Xafiiska R/Wasaaraha oo tababar usoo xiray Shaqaale ka tirsan Xafiiska.

0

Muqdisho, 24, Nov, 2014…Waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo tababarrada ee  Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tababar soconayay hal maalin oo ku saabsan kor u qaadidda aqoonta xirfadlayaasha u qabatay qaar kamid ah shaqaalaha Xafiiska, kaa soo qeyb ka ah barnaamijka tayeynta iyo tababarrada shaqada iyo shaqaalaha XRW ee uu ku dhawaaqay Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Mudane C/qaadir Cabdi Faarax.

Agaasimaha Waaxda Shaqada, shaqaalaha iyo tababarka ee XRW Mudane Maxamed Jaamac Yuusuf oo ka hadlay madasha ayaa tilmaamay ujeedka ay tababarka u qabteen in uu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee shaqaalaha, taasoo qorshaha laga leeyahay ay tahay in xafiisku ku shaqeeyo nidaam hufnaan leh .

“Waxaan maanta soo xirnay tababar lagu kobcinayo aqoonta xirfadleyda oo runtii kaalin muuqata ka cayaarta shaqada ka socota Xafiiska. Bishii hore sidaan oo kale waxaan tababar usoo xirnay shaqaale kale oo ka faa’idaystay tababar ay waaxdu bixisay, iyadoo kaashanaysa aqoonyahano iyo khudbaro Soomaaliyeed” ayuu yiri Mudane Maxamed Jaamac.

Agaasimaha guud ee Maamulka iyo Maaliyadda Xafiiska R.W Mudane Abuukar Maxamed Daahiye oo siminaarka soo xiray ayaa ugu baaqay kasoo qeyb galayaashu in ay ka faa’iideystaan tababarka.isla markaasna ku dhaqmaan

Ugu danbeyn, waxaa Shahaadooyin la guddoonsiiyey qaar kamid ah shaqaalihii ka faa’iideystay tababarka ay qabatay Waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo tababarrada ee  Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

1 2 3 4 6 5

—–DHAMMAAD—–

Waaxda Warfaafinta ee XRW 

Muqdisho, Somalia
Email: media@opm.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com