Laba Arin oo maanta laga filan karo kulanka Baarlamaanka (AKHRISO)

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xiiso badan ku yeelan doona xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, waxaana kulankaan laga filan karaa Laba Arin oo kaliya.

Hadii ay xildhibaanada isugu Yimaadaan Howlka baarlamaanka waxaa la filan karaa in xildhibaanada diidan mooshinka ay Markii Sedaxaad Sameeyaan Buuq aad u xoogan, si ay arintaan meesha uga saaraan.

Hadii aysan dhicin waxaa laga yaabaa in Jawaari oo hanjabay uu isku dayo in xildhibaanada si xoog badan loo adeegsado.

Maanta ayaa la arki doonaa wixii dhaca iyo sidoo kale qaabka loola macamilo xildhibaanada diidan mooshinka Ra’iisul wasaaraha laga keenay.