Dhageyso+Sawirro: Xildhibaanada Badbaado Qaran Ee Kasoo Horjeeday Mooshinka Oo Shir Jaraa’id Qabtay.

0

Muqdisho, AGGM:Kadib kulankii buuqa weyn ka dhashay ee baarlamaanka ee uu qorshuhu ahaa in lagu qeybiyo mooshin ka dhan ah Xukuumada Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa Xildhibaanadi diidanaa mooshinka waxa ay shir ku yeesheen Hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxuloow oo ah guddoomiyaha xildhibaanada la baxay Badbaado Qaran oo kasoo horjeeda mooshinka ayaa sheegey in ay iyaga u taaganyihiin dhowrista sharciga dalka.

Cabdirisaaq Jurile oo ugu hor hadlay ayaa sharaxay sida uu yahay nidaamka baarlamaanka, kadibna wuxuu sharaxay wixii meesha ka dhacay oo uu sheegey in ay sinaba u waafaqsanayn shuruucda iyo nidaamka baarlamaanka.

Cabdi Axmed Dhuxuloow oo go’aanka xildhibaanada saxaafadda u akhriyey ayaa yiri “Anaga in aan buuqeyno ma ahan, ee waxaan diideynaa qaranka la duminayo, waxaan difaacaynaa in awoodihii hey’ad ka mid ah dowladda gacanta loo galiyo hey’ad kale oo aanan mudneyn waliba” , wuxuu intaasi ku daray in 10 bilood ka hor ay Ra’isulwasaare kale rideen, hadana aysan munaasab ahayn in mid kale ay ridaan, wuxuu intaasi ku daray in shaqadii baarlamaanka u tiiley la curyaamiyay.

Halkaan hoose Ka Dhageyso Xildhibaanada Kullanka Ka Hadlay…

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Xildhibaan Cabdirisaaq Juriile

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxuloow


Halkaan Hoose Ka Dhageyso Xildhibaan Cabdi Bare

diid5 diid diid1 diid2 diid3

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com