DHAGEYSO:- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo sheegay in warqadaha mooshinka la qaybiyay

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah Xildhibaanada wada mooshinka Ra’iisul Wasaaraha laga soo gudbiyay oo u waramay warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in xaalada xarunta Baarlamaanka ay tahay mid degan, Xildhibaanadana loo qaybiyay mooshinka Ra’iisul Wasaaraha laga soo gudbiyay.

 

 

Daahir Amiin Jeesoow, wuxuu sheegay in Warqadaha mooshinka habeenkii lasii daabaco iyaga oo saxiixan, kadibna subaxdii la qaybiyo oo Baarlamaanka sidaasi ay ku helaan,

 

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, waxa uu sheegayaa in Xildhibaanada diidan mooshinka loo qaybiyay warqadaha qoraalka, qaarkoodna ay ku jeex-jeexeen xarunta Baarlamaanka dhexdiisa, sida uu leeyahay Xildhibaan Daahir Jeesoow.

 

Waxa uu rajo ka muujiyay in Xildhibaanada mooshinkaan maanta loo qaybiyay ay soo aqristaan, kadibna Guddoomiyaha Baarlamaanka uu muddeeyo waqtiga laga doodayo.