Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah leh (XOG BADAN)

0

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay leeyihiin kulan xasaasi ah, kaa oo ka duwan kulamadii hore ee Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in xildhibaanada loo qeybin doono mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Laba jeer oo hore waa uu fashilmay kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana taasi ay keentay in lagu kala dareero, mooshinkana aan la qeybin.

Dhanka kale Xildhibaano Shalay galab hadlay, kana soo horjeeda mooshinka waxa ay sheegeen in maanta oo Isniin ah wixii ka dhacay Baarlamaanka Soomaaliya ay mas’uul ka noqon doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh, Gudoomiye Jawaari, iyo xildhibaanada Mooshinka Keenay.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA