Top news: R/wasaarihi Hore Ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) “Soomaaliya Maanta Uma Baahna Khilaaf Iyo Dib-u-dhac Horleh.

0

Abu Dhabi, AGGM:Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda F. Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay qaar kamid ah Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibeddiisa, ayaa ka hadlay waxqabadkii Xukuumaddii uu hoggaamiyay ee mudada halka sano ah dalka maamulaysay iyo sidoo kale khilaafka u dhexeeya hoggaanka sare ee dalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Saacid ayaa ku dheeeray guulihii ay ka gaartay Xukuumaddii uu hoggaaminayey, wuxuuna sheegay in Xukuumadda uu majaraha u hayay ay gaartay mudadii  halka sano iyo dhowrka bilood ahayd  ee ay jirtay guulo la taaban karo, wuxuuna tilmaamay inay dowladdu horumar ka sameysay sida uu yiri dhinacyada arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo adeegga bulshada.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka  hadlay khilaafka u dhexeeya hoggaanka sare ee dalka, wuxuna ugu baaqay dhinacyadu in ay dhowraan dowladnimada curdanka ah iyo danta guud ee qaranka, iyadoo muhiimadda la siinayo howlaha adag ee dalka u yaala gaar ahaan hiigsiga 2016 iyo gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah sanadka 2016.

“Waxaan leeyahay dhammaan dhinacyadu ha raadiyaan xal khilaafka lagu dhamayn karo, Soomaaliya maanta uma baahna dib-u-dhac iyo khilaafaad horey ayaan usoo aragnay meesha uu na dhigay khilaaf aan xal laga gaarayn. Waxaa muhiim ah in la Tixgeliyo danta guud  ee Soomaaliya lana fiiriyo dhibaatada baahsan ee dalka ka jirta maanta, Dowladda waxaa looga fadhiyaa dalka in ay gaarsiiso doorashooyin xor ah 2016”.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com