War deg Deg Ah:Hay’adda Hormuud International oo ka digtay in Xildhibaanada Mooshinka ka soo horjeeda Loo adeegsado awood ciidan oo lagu caburinayo xoriyatul –qowlkooda.

0

Hay’ad Saldhigeedu yahay Magaalada Seattle ee dalka Maraykanka oo goleheeda dhexe isugu yimaadeen shir deg-deg ah oo ay uga arrinsanayeen xaaladda murugsan ee dalku marayo iyo Khilaafka Madaxda Dalka Saameynta ay ku yeelan karto haykalka guud ee dowladnimo iyo amaanka shacabka Soomaaliyeed, ayaa kadib shirkoodii aan caadiga ahayn ka soo saaray qodobada hoos ku Xussan:

  1. In Madaxda Dalku ay xaliyaan khliaafka u dhexeeya, iyagoo garwaaqsanaya xaaladda adag ee uu dalku marayo, eegayana danta dadka iyo dalka. Ayna ogaadaan in Ummadda Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan iyocaalamkuba isha ku hayo.
  1. In loo noqdo xeerarka dalka u degsan, lana ilaaliyo hufnaanta adeegsiga dastuurka dalka u degsan. Laga dhowro inuu u adeego dano gaara.
  1. In layska ilaaliyo in baarlamaanka Federaalka loo adeegsado in xukuumadda lagu rido si sharci darro ah iyadoo la adeegsanayo ballanqaadyo iyo laaluush ay diinteenna, dhaqankeenna iyo shuruucda dalkuba xarrimayaan.
  1. In awood loo adeegsado caburinta Xoriyatul-qowlka Xildhibaanada mooshinka ka soo horjeeda. Loona ogolaado inay si nabadi ku jirto uga soo horjeestaan waxa ay iyagu u arkaan inay sharci darro tahay. Awoodusheegashadoodu waxay  liddi ku tahay xornimada, dowladnimada iyo xuquuqul insaanka intaba, Waana dambi caalami ah oo dhalin kara dacwad ka dhan ah kuwa ogalaada ama lugta ku leh. Waxaayna sidoo kaledhaawacaysaa waxkasta oo noo hagaagay oo ay midnimada ummaddu kow ka tahay.
  1. In hoggaanka Baarlamaanku dhexdhexaad ka noqdo khilaafka madaxda si xilkasnimo lehna  ay guddi ugu saaraan xal u helidda khilaafka. Arrinkana si dhab ah oo sharciga ku salaysan loo galo. Lagana ilaaliyo nin-jeclaysiga
  1. In golaha wasiiradu dhamaantood ka gaabsadaan sii hurinta khilaafka, ayna illaaliyaan shuruucda dalka u degsan iyo nidaamka dowliga ah iyo kala dambaynta.
  1. In madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud uu u dhego-nuglaado talooyinka shacabka Soomaaliyeed, culumaa u diinka, hoggaan dhaqameedyada, siyaasiyiinta dhexdhexaadka ah, iyo beesha caalamka ee ku aadan xal u heliddakhilaafka oo ku salaysan Isfahan iyo wada-tashi,  wada shaqyn. Uuna ka dhabeeyo ballan-qaadyadiisii doorashadiisa ka hor.
  1. In xubnaha Baarlamaanku Illaaliyaan sharafta iyo haybadda Ummaadda Soomaaliyeed, kana Fogaadaan waxkasta oo cadaalad-darro ah, keenayana Amaan-darro, khliaaf, midnimo la’aan iyo in dib looga dhoco hadafka iyohigsiga Ummadda Soomaaliyeed oo dhibaatooyin badani la soo darseen in ka badan rubuc qarni.

Hay’addan oo Shirkeeda Saddex billaha ahaa u  maalmo ka dhinnaa ayaa u arag tahay in ay soo dedejiso kuleenkeeda kadib markii ay haggaanka ururku arkeen dayac farabadan oo la soo dersay dowladnimaadii, xaqdhowrkii iyo dastuurkii ummadda oo uu saldhig u yahay khilaafka soo kala dhex-galay hoggaanka sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, ayna qasab noqotay in maamulak sare ee hay’addu isu yeero kulan aan caadi ahayn.

Abdiaziz M Colaad, MPA

Hormuud International, Hay’addda Xuquuqda Ummadda iyo ku dhaqanka Sharciga

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com