Daawo Sawirada: Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka.

0

Nairobi, 20 November 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuxulow ayaa maanta Nairobi kulan la qaatay Tom Malinowski oo ah Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dowladda Mareykanka, ee u qaabilsan Arrimaha Dimoqraadiyadda, Xaquuqul Insaanka iyo Shaqaalaha. Labada mas’uul ayaa waxey ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya, Arrimaha Xaquuqul Insaanka iyo Arrimaha Siyaasadda.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey Tom Malinowski kulanka iyo waqtigiisa, waxuuna warbixin kooban ka siiyey xaaladda dalka, horumarka ballaaran ee laga sameeyey dhanka amniga, maamul wanaaga, hagaajinta maaliyadda, horumarka dhaqangelinta nidaamka Federaalka, horumarka warbaahinta dalka iyo sidii waddanka loo gaarsiin lahaa doorashooyin sanadka 2016ka.

Kulanka markii uu soo dhamaaday ayaa labada mas’uul ay la wada hadleen warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin kulankan isla markaasna Tom Malinowski ayaa xaqiijiyey sida ay Dowladda Mareykanka uga go’antahay inay taageerto Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna u rajeeyey Madaxda Qaranka inay khilaafkooda ku dhameeyaan si wadahadal iyo nabad ah. Wasiirka Warfaafinta ayaa Nairobi u yimid si uu ula kulmo mas’uulkan Mareykanka iyo diblomaasiyiin kale ee taageerta Soomaaliya.

usa usa1

usa3

usa2

usa4 usa5
DHAMAAD

Wasaaradda Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha
media@moi.gov.so
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com