Siyaasi sheegay hal arrin oo khilaafka Xasan iyo C/Weli xal u noqon doonta

0

Siyaasi Maxamed Aadan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ka hadlaayay Khilaafka Xassan iyo C/weli, ayaa sheegay inuu sababay burburka Howlihii Khuseeyay Xukuumada.

Siyaasiga ayaa sheegay in qaabka ugu haboon xiligaani ee lagu xalin karo Khilaafka uu yahay in dib loogu laabto qodobada ku qoran Dastuurka gaar ahaan kuwa kala xukminaaya Labada Mas’uul ee uu Khilaafka u dhexeeyo.

Siyaasi Maxamed Aadan waxa uu Tilmaamay in khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ka dhaxeeya uu dalka u horseedi karo bur bur iyo kala qeysanaan, iyo dib u dhac ku yimaada howlaha looga fadhiyo dowladda Soomaaliya, waxa uuna meesha ka saaray in isku dhaca labada Mas’uul uu yahay mid ku saleysan Hanti qaran, balse ay tahay baalmar lagu sameynaayo Nidaamka ama dastuurka kala xukmin lahaa Madaxda dalka.

Isaga oo Arrintaasi muuqaal guud ka bixinaayay ayaa waxa uu sheegay in fool xumo tahay in xildhibaanadii qaranka ay ku mashquuleen nin jecleysi halkii ay badbaado u noqon lahaayeen dowladnimada iyo hannaanka qaran ee Soomaaliya.

Dhanka kale, waxa uu ku baaqay in loo jiheysto wadadii Hormarka lagu gaari lahaa, islamarkaana ay Madaxda ka waan toobaan Nin jecleysiga iyo Arrimaha ku xeen-daaba Nidaamka Xarakiga ah ee dhowrkii sano la soo dhaafay dalka burburiyay.