Shirka Copenhagen oo Maanta furmaya

0

Waxaa maanta la qorsheynayaa in magaalada Copenhagen uu ka furmo shir looga hadlayo arimaha dalka Soomaaliya gaar ahaan waxyaabahii ka qabsoomay barnaamijka hiigsiga cusub sanadkii lasoo dhaafay.

Shirkaasi waxaa ka qeyb galaya wadamada Yurub masuuliyiin matalaysa iyo wadamada deeq bixiyaasha, waxaana martigelinaysa dowlada Denmark.

Soomaaliya waxaa kaga madaxweynaha dowlada Soomaaliya oo ay wehliyaan qaar kamid ah golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya, gaar ahaan wasiirada taageersan iyo xubno kale oo dowlada Soomaaliya ka tirsan.

Sidoo kale waxaa shirkaasi ka qeyb galaya wakiilo matalaya qaar kamid ah maamul goboleedka ka dhisan dalka Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale goobjoog ka ah kulanka maanta ka furmaya magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.