MAQAAL: R/W CABDI WELI WAA INUU BAXAA !!! W/Q: Axmad Calasow

0

R/Wasaare Cabdiweli waa ka shar badan yahay Shabaab waayoo wuxuu u soo tafaxeytay inuu burburiyo dowladda jirta isagoo adeegsanaaya xeelado kasta oo wax lagu dumin karo. Xildhibaanada u adeegaaya Cabdiwli waa dad aan wax ka xaarana aysan jirin waxayna diyaar u yihiin in dalka lagu kala cararo, iyagoo ka faa’iideysanaya debacsanaantaa Jawaari oo ka baqaaya inuu sharciga iyo xeer-hoosaadka Barlamaanka ku dhaqmo ama fuliyo xilliga ay qaska wadaan wax-ma-garadka laga soo gurbiyay suuqyada.

Caqliyada uu ku socdo Cabdiweli waxaa hubaal ah inyasan ka imaan maskaxdiidsa balse ay tahay mu’aamaro meela badan laga maleegayo oo ay wadaan dad jecel inay dowladdu dunto oo meesha lagu kala tago, waana tan uu ballanqaaday Cabdiweli inuusan ka tegin meesha ilaa wax walba ay dumaan.

Alla yow sheega Cabdiweli in xildhibaannada qaska wada ay u geesteen dhibaato aad u weyn oo uusan weligii ka soo kabsan Karin, tallaabooyinka ay qaadeen waa kuwo ka sii fogeynaya jagada uu manta heysto waana inuu dhaqso uga baxaa dowladda, una maleyn maayo inuu weligii ku soo laaban doono waayoo marki horeba wuxuu ku yimid go’aan ow ku ilduufay Xasan Sheikh.

Maanta sharta Cabdiweli waa mid ka khatarsan tan Shabaab oo lagu guuleystay in bannaanka looga bixiyo degaanada muhiimka ah ee dalka..laakin Cabdiweli iyo inta uu kuu adeegto aysan marna u bexeynin dibadda ilaa ay wax walba burburaan iyagana wixi loo ballanqaaday ay wada helaan si ay dibadaha ugu masaruuftaan!!!

Cabdiweli wuxuu ku guuleystay inuu Somali mar kale kala qaybiyo oo meelo badan oo qurbaha ka mida la kala saftay oo ay gaartay halki ugu xumeyd ay umadu gaarto, waxaana arrimahaasu yihiin natiijadi laga sugaay inay ka soo baxdo heshiiski xaaraanta ahaa ee uu la soo galay gobollada qaarkood kaasoo dalka oo dhan saameyn xun ku yeeshay asagana magac jab u soo jiiday.

Haddaba, si dalkaan iyo dowladda loo badbaadiyo waa inuu Cabdiweli ka baxaa meesha intey goori goor tahay iyadoo la adeegsanayo dustuurka iyo xeer-hoosaadka Barlamaanka oo si cad u qeexaya tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si dalkan looga badbaadiyo burbur iyo barakac ka daran kii la soo maray.!!!

Waxaan tala ahaan u soo jeedineynaa in xildhibaanada sharafta leh ee keenay mooshinka ay dabagal ku sameeyaan mooshinka ilaa laga gaaro danti loo kenay…in aadan ku dhicina siriqda la idiin soo abaabulay oo ah inaad mooshin kale ka keentaan Jawaari waana tii ay rabeen qaswadayaasha inaad ku dhaqaaqdiin, wixi aad wadeena ay halkaas ku baaba’aan.

Ku dheganaada mooshinka aad wadiin ilaa aad ka gaartiin natiijadi la rabay, marna ha ka caajisina inaad sharciga u hogaansanaatiin si ay idiinkugu fusho ahdaafta aad higsaneysaan.

Qarnigii 18aad waxaa jiray nin filossof Talyaani ahaa oo adduunka oo dhan aad looga ixtiraami jiray looguna tegi jiray talooyin iyo aqoon laga kororsado. Waxaa u soo martiyay niman culumo ah oo ugu yimid la tashi…markey soo fadhiisteen ayuu xaaskiisi u yeeray uu yiri noo keen cabitaan. Waxay soo qaaday khamriga VINO ama WINE. Marki ay keentay ayuu arkay ninkeedi in caaga ay ku wado cabiataanka uu wasakh yahay markaasuu weydiiyay caaga wasakh miyaa ka muuqata? Markaasey fooraarisay iyadoo rabta inay fiiriso salka dambe, markaasey cabitaanki oo dhan dadki martida ahaa iyo isaga kuwada daadisay…martidi iyagoo yaaban ayey su’aaleen filoosfki maxaa qof noocaan ah xaas uga dhigatay? Markaasuu yiri waxaan rabaa inaan qiyaaso dulqaadkeyga inta uu la’egyahay.

Haddaba xildhibaanada sharafta leh waxaan ka codsaneynaa in dulqaadkooda halkaas ku dhammaado, Cadbiwelina ay mowqif kama dambeys ah ka qaataan., shartiisana ummaddaan laga badbaadiyo isaga iyo kuwa uu ku adeeganaayo oo diyaar u ah xumaan kasta.

Dowladda waxaa looga baahan yahay inay adeegsato taagerada ay ku leedahay madaxda adduunka qaarkood si ololaha xowliga dheer ku socda ee iyada ka soo horjeeda ay u beddelaan taageero laga helo adduunka inta wanaaga nala jecel oo xeel-dheerayaal daacad ah loo addegsado si loo tusiyo khatarta uu Cabdiweli ku yahay dalka Somaliya.

W/Q: Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com

FG: Maqaalkan waa aragtida qoraaga ku saxiixan magaciisa, marnaba kama turjumayo aragtida Warbaahinta Allgalgaduud Media, fadlan waxii dhaliil amaba amaan ah oo uu xambaarsan yahay Maqaalkan kala xariir qoraaga Email-kiisa bashaar10@outlook.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com