NICHOLAS KAY oo qoraal miisan culus soo dhigay Twitter iyo caalamka oo…

0

Iyadoo ay Beesha Caalamku walaac ka muujineyso Khilaafka hareereeyay DF Somalia, ayaa waxaa arrintaasi mar kale si qoraal ah uga hadlay ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr Nicholas Kay.

Kay oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu qoraal ah kusoo daabacay Bogga uu Twitter-ka ku leeyahay waxa uuna sheegay in Beesha Caalamku ay xiligaani ka wal-walsan tahay qaabka loo jaanrogay Siyaasadii dalka oo ay taabagalinayeen in muddo ah.

Nicholas Kay ayaa muujiyay in Beesha Caalamku ay si gaar ah uga walaacsan tahay xiisada siyaasaded ee ka dhaxaysa madaxda sare ee dowladda Somalia gaar ahaan Xassan iyo C/weli, waxa uuna Arrintaasi ka muujiyay Niyad jab.

Waxa uu tilmaamay in farxaddii iyo wanaaggii Somalia ay ka qabtay dunidu in ay badleen kala qeyb sanaan iyo wel weli caalami ah oo soo food saaray.

“The good news overshadowed for now by political disunity, paralysis & international concerns.” Ayuu yiri Kay.

Wuxuu Qoraalkiisa ku xusay in halista ugu horeyso ay noqon doonto hiigisiga 2016-ka uu halis ku jiro waa haddii aan Heshiis la kala dhex dhigin labada Mas’uul.