Khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli oo afar arrin midkood ku dhammaan doona

0

Magaca qormadaan waxaan u xushay markii aan arkay wax u eg faragelin shisheeye taasoo isku soo dhaweysay madax dhanka dastuurka Soomaaliya ku kala awood badan.

Waxaan ula jeeda sida aan ku soo baranay dowladihii dalka soo maray Madaxweyne iyo Ra’iisulwasaare hadii ay is qabtaan waxaa lagu kala bixi jirey baarlamaanka hortiisa , dhanka awoodana wuxuu dastuurku awood dheeraad ah siiyay Madaxweynaha maxaa yeelay madaxweynaha waxaa doorta xidlhibaanada halka Ra’iisulwasaaraha uu soo magacaabo Madaxweynaha,haddana waxaa muuqata inay tartamayaan .

Tusaale Madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf Rabi ha u naxariiistee waxay is qabteen Ra’iisulwasaarihiisii xiligaasi Cali Maxamed Geedi kadibna waxaa lagu kala baxay in Geedi uu xilkiisa waayo waxaana uu soo magacaabay Ra’iiisulwasaare cusub kaasoo noqday Nuur Cadde.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ilaa labo jeer ayay is qabteen Ra’iisulwasaarayaal uu soo magacaabay waxaana lagu kala baxay Baarlamaanka codkiisa ,hada waxaa muuqda wax ka badalan wixii la arki jirey,taasoo ah in inta badan beesha Caalamku la safan jireen Madaxweynaha, laaakiin iminka waxay aad u diidan yihiin in Ra’iisulwasaaraha la eryo si khilaaafka looga baxo, taas badalkeedana waxay rabaan wali ma cada oo dhana waxay iska dhigayaan inay dhex dhexaad ka yihiin dhana waxay ku taageerayaan Ra’iisulwasaare C/weli Sheekh Axmed.

Qormadeyda waxaan rabaa inaan sal uga dhigo cinwaanka taasoo ah Xalinta Khilaafka Dowlada Soomaaliya wuxuu ku soo dhamaan doonaa Afar arin midood kuwaasoo kala ah sidan:-

1-Hadii Soomaaliya arimaheeda xor u tahay sida horey loo sheegayna Dowladu ka baxday kumeelgaarnimadii waxaa lagu kala bixi doonaa CODKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA BILAA FARA GELIN SHISHEEYE .

2-Hadii Soomaaliya laga maamulo sida la sheego daaha gadaashiisa waxaa lagu kala bixi doonaa in Dowlada Xasan Sheekh dhamaanteed la kala diro mid cusubna la soo doorto.

3-Hadiii sida faragelinta shisheeye tahay Oraahdii ahayd Cali-na Gar leh Ceydiid-na gar leh macnihii C/welina hanoo joogo ,Xasan sheekhna ha noo joogo WAXAA LAGU QANCIN DOONAA MADAXWEYNAHA IYO XILDHIBAANADA TAAGEERSAN SI HOOSE OO AANAAN FAHMI KARIN IN RA’IISULWASAARAHA UU SHAQADIISA SII WATO CODKA KALSOONIDANA LA SIIYO.

4- In la sameeyo talaabo Jawaari qadka looga saarayo sidii dhacday Dowladii Shariif oo shirkii Kambala loogu soo heshiiyay Ra’iisulwasaarihii xiligaasi Maxamed C/laahi Farmaajo xili khilaafku u dhexeeeyay Madaxweynihii xiligaas Shariif Sh.Axmed iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka ee xiligaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Si kastaba aragtideyda markaan eegay ma ii muuqato wado 5aad oo xal lagu gaari karo marka la eego is heysadka madaxda Dowlada Soomaaliya ee kala ah Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisulwasaare C/weli Sheekh Axmed.

FG: qof kasta waxay xor u tahay inay naqdiso qormadaasi hadey u aragto mid dhan u xaglineysa ama mid aan habooneyn xiligaan.

W/Qorey: C/fitaax Maxamed Salaad (Diyeeshe)

diyeshe@journalist.com