Howlgalo ka dhan ah gawaarida muraayadaha madow oo Muqdisho ka dhacay

0

Howlgalkaan ay maanta ciidamada nabad gelyada waddooyinka  gobolka benaadir ka sameeyeeen qaar ka mid ah waddooyinka laamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa lagu bar-tilmaameed sanayay gawaarida raaxada ah oo ay ku xiranyihiin muraayadaha madow iyo kuwa  kale.

Intii uu socday howlgalka waxaa lagu soo qab qabtay 14 gawaari oo isugu jira kuwo ay ku xirnaayeen muraayado madow iyo kuwo kale oo lagu xardhay xayeysiinta xarumaha ganacsi ee sida gaarka ah loo leeyahay, isla markaana saxaafadda  loogu soo bandhigay saldhigga booliska ee degmada Hodan.

Taliyaha ciidamada Nabad gelyada Waddooyinka Cali Xirsi Barre “Cali Gaab” oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay baacsan doonaan gawaarida leh muraayadaha Madow, si ammaanka loo adkeeyo, isagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka wada qayb qaataan ka hortaga gawaarida muraayadaha madow leh iyo kuwa kale ee lagu xardhay xayeysiimaha shirkadaha ganacsiga, maadaama ay caqabad kuyihiin amniga.

Hay’adaha ammaanka ee dalka ayaa kol hore  amar ka soo saaray  in magaalada lagu dhax wato gawaarida leh muraayadaha madow