Sawir: Shirkii Hiigsiga Ee Copenhegan Oo Furmay.

0

Copenhagen, AGGM:Waxaa si rasmi ah duhurnimadii uga furmay Magaalada Copenhegan ee Dalka Denmark Shirkii Arimaha Soomaaliya looga hadlayey.

Shirka waxa si wadajir ah uwada shir gudoominaya Ra’iisul wasaaraha ka ah dalka Denmark Haweeneyda lagu magacaabo Helle Thorning-Schid,Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Jeffrey Feltman.

Waxa wariyeyaasha ku adag inay Codadka iyo waxa laga hadlayo ogaadaan maadaama la xadiday dhaq dhaqaaqa Shirkaasi sida uu sheegayo C/raxmaan Koronto oo katirsan Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Shirkaan ayaa waxa lagu wadaa in berri oo Khamiis ah lasoo gaba gabeeyo Soomaaliyana loogu yabooho Lacago badan inkastoo la weydiin doono wixii uqabsoomay sanadkii lasoo dhaafay iyo lacagihii loogu deeqay dawlada Soomaaliya.

cph

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com