Shacabka Gedo Oo Baaq Loo Jeediyey Iyo Wajiga Labaad Ee Shirka Midnimo 2…

0

Shacabka ku dhaqan magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa laga dalbaday inay si weyn kaga Shaqeeyaan qabashada shirka Midnimo 2 oo ka furmaya magaaladaasi.

Shirkaasi ayaa la iclaamiyay in magaalada Garbahaarey uu ka furmi doon0o 25 Novembar, sida gudiga shirka ay shaaciyeen maalintii shalay.

Siyaasi Cabdi Shire Warsame oo lahadlay Allgalgaduud.com ayaa sheegay in bulshada Gedo ay uga baahan yihiin taageerida shirka gaar ahaana shacabka Garbahaarey oo uu tilmaamay in ay suura galiyeen qabsoomida wajiga koowaad ee shirka Midnimo.

Waxaa sidoo kale uu ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka Garbahaarey si looga hor tago wax waliba oo dhibaato horseedi kara.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com