Dhageyso: Ridwaan Xirsi” Wasiiradii aan la qabsan karin shaqada waxaa u furan inay iscasilaan

0

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xirsi Max’ed oo shir jiraa’id ku qabtay maanta xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya kaga warbixiyay kulan Golaha wasiirada ay ka yeesheen xaalada dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay ra’iisal wasaare C/wali Sheikh Axmed Max’ed.

Ra’iisal wasaare ku-xigeena ahna wasiirka Diinta iyo awqaafta Ridwaan Xirsi Max’med ayaa sheegay in Golaha wasiirada ay ka hadleen arimo badan oo xaalada dalka sida ammaanka, iyadoo lagu ansixiyay hindise sharciyeedyo kala ah hindise sharciyeedka xuduudaha iyo Federaalka iyo Hindise sharciyeedka doorashada oo ay soo bandhigtay Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay talo soo jeedin ka timid qaar ka mid ah Wasiirada ee ahaa inuu is casilo Ra’iisul Wasaaraha, isagoo xusay in arrintaas uu cad yahay, isla markaana Ra’iisul Wasaaruhu horay uga hadlay, waxaana uu qiray inay jiri karto kala aragti duwanaan.

“Wasiirkii aan la jaan-qaadi karin Shaqada Ra’iisul Wasaaraha, waxaa u furan inuu is casilo, Ra’iisul Wasaaruhu markaas wuxuu soo magacaabayaa Wasiirkii bedela”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka.

Kulanka uu shir gudoominayay ra’iisal wasaare C/wali Sheikh ayaa waxaa intii uu socday isaga baxay ilaa 17 Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru dowlayaal, kuwaasoo warqad ay u qoreen Ra’iisul Wasaaruhu kaga dalbaday inuu is casilo.

Dhanka kale,xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in dib go’aan kaga soo saari doonto doorashadii shalay ka dhacday magaalada Baydhabo ee lagu doortay Shariif Xasan Sheikh Aadan inuu noqdo madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com