Dhageyso: Golaha Abwaanada Qaranka Oo Muqdisho Looga Dhawaaqay Iyo Hogaanka Oo Ay U Doorteen..

0

Munaasabad kooban oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagaga dhawaaqay Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, kaasi oo ay ka qeyb galeen abwaanno, fanaaniin, Agaasimaha Radio Muqdisho, ururka haweenka iyo xubno kale.

Dhismaha golaha abwaanada Soomaaliyeed oo ka kooban Guddoomiye, labo guddoomiye ku-xigeen, xoghaye iyo afhayeen, waxaana doorashadu ay u dhacday si domoqraadiyad ah, iyadoo goobta xafladda ka socotay lagu xardhay hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen, Abwaanku waa afka Ummadda, abwaanku waa waaniyaha bulshada, abwaanku waa iftiinka shacabka iyo kuwa kale oo ka turjumaya macnaha uu xambaarsanyahay abwaanku.

Agaasimaha Radio Muqdisho mudane Cabdiraxiin Ciise Caddow oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in abwaannadu ay xaq u leeyihiin helidda xaquuqda ka maqan oo ay ugu horeyso tan idaacadaha ay adeegsanayaan heesahooda.

“Idaacadaha Afka Soomaaliga ku hadla ee isticmaala suugaanta abwaanada waxaa lagu leeyahay xuquuq gaar ah, marka waa in laga qaadaan xuquuqda abwaaniintu ay ku leeyihiin suugaantaasi, golahana arrintaasi ayaa laga rabaa, iyagoo kaashanaya Wasaaradda Warfaafinta” ayuu yiri Agaasime Cabdirixiin.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub oo loo doortay guddoomiyaha golaha Abwaanada Soomaliyeed ayaa dhankiisa ka warbixiyay muhiimadda uu u leeyahay fanka bulshada Soomaaliyeed, isagoo dhinaca kale ka warbixiyay farqiga u dhaxeeyay fanka Soomaalida iyo adduunka kale xiligan.

Ugu dhambeyn ku-xigeenka guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaliyeed Canab Xasan Cilmi ayaa tilmaantay sida ay ugu faraxsanyihiin kan urur ahaan ku dhawaaqista golahan, waxyna ku wareyjisay saddex xafiis iyo hool ay ku shaqa bilaabaan golaha Abwaanada Soomaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com