Dhageyso:Baydhabo Oo yeelatay Sadex Madaxweyne Iyo Khilaafkii Oo Sii Kordhay…

0

Baydhabo, AGGM:Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa caawa deggan kadib markii maanta ay ka dhaceen dibadbaxyo lagaga soo horjeedo doorashada xilka madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed oo ugu dambeyn loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Arrinta kaliye ee caawa cusub waxa ay tahay in Madaxweynihii labaad magaalada Baydhabo uu ka soo shaac baxay oo isna loo doortay madaxweynaha maamulka seddexda gobal oo ay doorteen shacab iyo dad kale.

Waxayna ka dhigan tahay in tirada madaxweyneyaal ee Baydhabo isku heyso ay gaarayaan illaa seddex mudane oo kala ah Madoobe Nuunow, Shariif Xasan iyo Cali Shukar.

Shariif Xasan ayaa caawa ku hoyana magaalada Baydhabo wuxuuna kulamo la leeyahay dad ka mid ah ururada bulshada.

Cali Maxamed Yuusuf Cali Shukar ayaa loo doortay madaxweyne kadib markii la doortay Shariif Xasan.

Maamul u sameynta Baydhabo ayaa u ekaanaysa sidii ay wax uga dhaceen magaalada Kismaayo sanadkii tegay ee 2013 oo ay iska magacaabeen madaxweynayaal ka badan illaa shan Madaxweyne…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com