DHAGEYSO:-Shirka Cadaado oo mar dhow furmaya iyo….

0

Masuuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay inay rajo wanaagsan ka muujinayaan in todobaadyada soo socda magaalada Cadaado uu ka furmo shirweyne muhiim u ah shacabka ku dhaqan gobolada dhexe.

Afhayeenka Ximan iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in meeshii ugu dambeysay ay mareyso qorshaha maamul u sameynta gobolada dhexe.

Wuxuu sheegay in kulamo kala duwan ay la qaateen dadka ay quseyso maamul u sameyntaasi, ayna iminka ku sugan yihiin magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Rajada ugu badan ayuu ku sheegay inay tahay in todobaadyada soo socda shirka uu ka furmo magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.