Dhageyso Fadeexadan:Maxamed Cabdi Kaliil “Ma Jiraan Wax Lacag Ah Oo Puntland Ay Soo Gaarsiisay Gobolka Gedo, Waa In Aniga Laygu Soo Wareejiyaa Lacagtaas”.

0

Garbahaarey, AGGM:Gudoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in aysan jirin wax gurmad ah oo dhanka Puntland usoo direyn shacabka ku dhiban deegaanada abaartu ka jirta ee gobalkaasi.

Waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in gurmad dhawaan la keenay Gedo, kaa oo lacag iyo raashiin isugu jira.

“Gobalka waxa uu leeyahay maamul, wax walba oo samafal ah waa in maamulka lagu soo wareejiyaa, inaga ayaa kala og meelaha ay dhibaatada ka jirto, hadii dad kale aad gacanta u saarto taasi gurmad ma ahan ee shaqsi ayaad ku wareejisay” Kaliil ayaa sidaasi yiri.

Gudoomiye Kaliil ayaa dhanka kale sheegay in laga Yaabo gurmadka reer Puntland ay u diyaariyeen shacabka Gedo in aan weli lasoo qaadin balse ay ka rajeynayaan in maamulkooda lagu soo wareejiyo.

Deegaano badan oo ka mid ah gobalka waxaa ka jirta abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqan, waxaana dadka ay heleen qaarkood kaalooyin aan ku filneen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com