DEG DEG:- Wasiiro kale oo R/wasaaraha ka dalbaday inuu iscasilo oo uu shaqada isaga tago

0

Wararka Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka helayso Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegaya in 17 Wasiiru dowlayaal iyo Wasiiru kuxigeeno ay saaka isaga baxeen shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isugu yeeray xubnaha Golaha Wasiirada inay shirka ka qaybgalaan, hayeeshe 17 kamid ah Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiiru kuxigeenada ayaa shirka isaga baxay.

 

Masuuliyiin ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xubnahan Ra’iisul Wasaaraha ay ugudbiyeen warqad ay ugu dalbanayaan inuu iscasilo oo uu xilka ka dego.

 

Wasiir kuxigeen kamid ah kuwa warqada qoray ayaa warbaahinta u sheegay inay ugudbiyeen Warqadaasi Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayna rajeynayaan inuu aqbalo.

 

 

Waxa ay sabab uga dhigeen in shaqadii dowladda ay istaagtay oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha aysan wada shaqeyn Karin.

 

Shalay ayeey aheyd markii Wasiirka arimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre uu Warbaahinta ka sheegay in 16-Wasiir oo Xukuumadda kamid ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay ka dalbadeen inuu xilka ka dego.

 

Waxaa muuqata in badi Wasiirada Xukuumadda ay kasoo horjeesteen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn tallaabada uu C/wali Sheekh Axmed Maxamed qaadi doono