Top News: Warar dheeraad ah oo laga helaayo duqeyntii Madaxtooyada ee xalay

0

Muqdisho, AGGM: Habeenkii xalay ahaa waxaa madaafiic lagu garaacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaana ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Madaafiicdaan ayaa ahaa kuwo meelaha laga soo tuuray ilaa hadda aan si rasmi ah lioo xaqiijin, waxaana wararka ay sheegayaan in dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaartay.

Qof ayaa dhintay Laba kalena waa ay ku dhaawacmeen, ka dib xaafad dad shacab ah deganaayeen oo madaafiicdaan ay ku dhaceen.

Ciidamada amaanka ayaa saaka meelo ka mid ah magaalada Muqdisho waxay ka wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan dadkii duqeyntaasi ka dambeeyay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com