War Deg Deg Ah: Wasiiro Sheegay In Lagu Been Abuurtay Iyo Fadeexadaha Damujadiid Soo Wajahaya Oo Sii Laba Jibaarmay…

0

Mqudisho, AGGM: Ayaado qaar ka mid ah Warbaahinada Taageera Madaxweyne Xasan Sheikh ay soo gudbiyeen Warqad la sheegay in qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Somalia ay a dalbadeen Raisalwasaare Abdiweli u iska casilo xilka u hayo ayaa waxaa markiiba ka jawaabay qaar ka mid ah Golaha wasiirada oo magacyadooda iyo saxiixoda lagu been abuurtay.

1-Wasiirka gaadiidka & duulinta Hawada Siciid Jaamac Qoorsheel

2-Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Maxamed Colow Barrow

3- Wasiirka Beeraha Dr Cabdi Axmed

Ila iyo hada waxaa xafiiska Raisalwasaaraha la soo xariiray 3 da Wasiir ee kor ku xusan waxaayna cadeyeen in aysan war u hayn meesha lagu qoray warqadaasi islamarkana aysan ka mid ahayn Wasiirada Raisalwasaaraha ka dalbaday in u iscasilo.

Maadaama Warqadaan ay soo baxday saacado ka hor waxaa la filaya in Wasiiro kale ay beeniyaan in ay qayb ka yihiin qorshaha uu Madaxweyne Xasan Sheikh Gadaal ka riixayo.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia Cabdilahi Goodax Barre oo saaka la hadlayay Idacada VOA ayaa waxaa uu sheegay in 16 Wasiir oo ka mid ah Xukuumadda Somalia ay Raisalwasaare Abdiweli ka dalbadeen in uu iscasilo balse arinkaasi waxaa uu noqday been abuur waji gabax ku noqonaya Wasiir Goodax Barre.
Isku soo wada duuboo marba marka ka dambeeysa waxaa sii kordhaya fadeexadaha soo wajahaya ururka Damujadiid ee uu ka trsan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Halkan hoose ka Akhriso Warqada lagu saxiixay Wasiiro aan lala tashan oo aan qayb ka ahayn Qorshaha cusub ee Madaxweyne Xasan uu keenay.

saxiix

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com