War Deg Deg Ah: R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Oo Diyaariyay 14-ka Wasiir Ee Uu Ku Badali Lahaa Wasiirada La Filayo Inay Beri Iscasilaan…

0

Muqdisho, AGGM: Wararka naga soo gaaraya iminka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed uu diyaariyay 14-ka Wasiir ee uu ku badali lahaa 14-ka Wasiir ee Damujadiid e beri Iscasilaya.

Warkan ayaa intasi waxaa uu ku darayaa in Liiska 14 Wasiir uu hadda kasoo dhamaystiray R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed uuna ku dhawaaqi doono marka ay ku dhawaaqaan Iscasilaadooda Wasiirada Damujadiid.

Waxaa hadda Nasoo gaaray liiska magacyada Wasiirada qabanaya xilalka balse codsi nooga Yimid ilo wareedkeena ayaa ahaa inaynaan shaacin oo aan sugno ilaa Saxaafada beri looga yeero xafiiska R/wasare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Isku soo wada duuboo khilaafka madaxda sare ayaa waxa uu saameeyay Baarlamaanka, waxaana fashilmay Mooshinkii ay wateen urur Diimeedka Madaxweyne Xasan Sheekh, sidoo kalena waxaa la ogeyn halka ay sal dhigan doonto Maalinta beri ah qorshahan labaad ee Damujadiid ee ah in 14-ka Wasiir Iscasilaan.

Waxii Kasoo kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com