TOP NEWS DHAGEYSO Wasiiro Hor dhac ah oo ka qeyb galaya Shirka Copenhagen.

0

Muqdisho, AGGM: Maalinta Barito ah oo Taariikhdu ku Beegantahay 18 Bisha ayaa waxaa lagu wadaa in Shirkii looga hadlayay Arimaha Somalia uu si Rasmi ah uga Furmo Magaalada Copenhagen Ee Dalka Denmark Halkaas oo ay ka qayb gali doonaan Shirkaas Madax ka kala imaan doonta Wadamo badan oo Caalamka ah si gaar ah Wadamada Taageera Somalia Iyadoo Somalia Shirkaas ay ka qayb gali doonto .

Maanta ayaa lagu Wada in Magaalada Muqdisho uu ka ambabaxo Wafdiga Dowladda Somalia uga qayb galaya Shirka Bari furmaya Waxaana lagu wadaa Maanta in uu dhoofo Wafdi Wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Arimaha Dibada iyo Arimaga Gudaha iyo Maaliyada iyo kuwo kale kuwas oo Hordhac u Noqon doona Shirka Bari Furmaya Wafdi Dowladda Somalia u matalaya.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa lagu wadaa in Isaguna uu Maalinta Bari ah ka Baxo Muqdisho isagoo shirkaas ku sii jeeda waxaana uu furi doonaa oo uu shir gudoomin doonaa Shirka Kobanheegan oo 19 ka si rasmi ah u furmaya in kastoo Bari oo 18 ka ah Wasiiro ay kulmi doonaan kuwaas oo arimaha Somalia iyo Wax qabadka Dowladda Sanadkii la soo dhaafay Falanqeyn Doona.

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre ayaa VOA u sheegay in Shirka ay geeyn doonaan Arrimo Muhiim ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com