Xog: Qorashaha Cusub Ee Damujadiid Iyo Qaabka xilka looga qaadayo R/W Cabdi Weli oo la beddelay (Farsamo cusub).

0

Muqdisho, AGGM: Waxaa shalay gelinkii dambe kulan ku yeeshay Hotel ku yaalla Muqdisho, Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Xukuumadda RW C/Wali, kuwaasi oo ka dooday sidii ay u bedeli lahaayeen Wadada ay ku meel marinayaan Mooshinkooda.

Xildhibaanada oo tiro ahaan gaarayay 148 Xildhibaan, oo ay ku jiraan Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha & Arrimaha Federaalka C/llaahi Goodax Barre & Wasiiru-dowliyaal ayaa waxay sheegeen inay ka dhigi doonaan Codka loo qaadayo Xukuumadda mid kamid ah Qaababkan soo socda: “Qarsoodi, Qoraal ama Gacan taag”, sida uu qabo Xeer-hoosaadka Dastuurka sheegayo.

Inta badan Wasiiradda Xukuumadda waxay Xubno ka yihiin Baarlamaanka, waxaan ay taageersan yihiin in la rido RW C/wali Sheekh Axmed, oo lagu eedeeyay inuu garab maray Sharciga dalka, islamarkaana uu noqday Mas’uul u adeega Hal Beel oo Soomaali inteeda kale u “Careysan”.

Xildhibaanada Baarlamaanka Guud ahaan waa 275, kuwaasi oo intooda badan dalka ka maqan xilligan, waxaana kuwa jooga Muqdisho oo aan ka badnayn 250 ay Saddex-meelood, Labo Meel saxiixeen Mooshinka laga soo gudbiyay Xukuumadda.

“Haddii ay Fowdada sii wadaan Xildhibaanada yar ee taageersan RW C/wali, waxaan awoodnaa inaan Mooshinka Cod ugu qaadno “Qarsoodi, ama Qoraal”, mana fowdeyn karaan taas, waxaana iska cad oo aan hubaa inay Xukuumadda ay dhacday oo Codka Kalsoonida haddan ay sidaasi ku waysay,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.

Wuxuu sheegay in ay kula talinayaan RW C/wali inuu iska casilo Xilka, kahor inta aan Codka Kalsnoonida loo qaadin Kulamada ugu soo horeeya ee Baarlamaanka oo Todobaadkan ka dhacaya Golaha Shacabka Muqdisho.

Amaanka Hotel-ka uu kulanka ka dhacayay ayaa si weyn loo sugay, waxaan ilaalinayay Ciidamada qaarka ah ee Madatooyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cadaadis kula kulmaya Beesha Caalamka, oo ku aadan inuu dhameeyo Khilaafka ayaa balan qaaday inuu isbedel la imaan doono dhawaan, islamarkaana uu mudo Todobaad ah kusoo magacaabayo Ra’iisul Wasaare Cusub marka uu Baarlamaanka Codka Kalsoonida kala laabtaan Xukuumadda hadda jirta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com