Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Duulay Copenhagen…

0

Muqdisho, AGGM: Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa barqanimadii maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isagoo ku sii jeeda magaalada Cobenhegan ee dalka Denimarka.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo shirka ka firmidoona dalka Denimark 19-ka bishan, kaasoo looga hadlayo arrimo ku saabsan horumarka dalka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowlada Denimark ayaa waxaa shir gudoomin doona madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo shirka ay ka qeybgalayaan wadamada deeq bixiyaasha ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale shrka ayaa la filayaa ineey ka soo baxaan go’aano wax u tar u leh dalkeena Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com