Top News: Madaxweyne Xasan oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti.

0

Wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ku sii jeeda dalka Denmark oo ay uga qeyb galayaan shirka New Deal ayaa maray Dalka Jubuuti, iyagoo kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jibuuti ee uu ugu horeeyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Jamhuuriyada Jibuuti kulan gaar ah ay ku wada qaateen garoonka diyaaradaha Jibuuti, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira xaalada Soomaaliya iyo wada shaqeynta labada Dowladood waxaana ay isla afgarteen in ay ka wada shaqeeyaan horumarinta dalka.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa goor dhaweyd ka ambabaxay dalkaasi Jibuuti iyagoo ku sii jeeda magaalada Cobenhegan ee dalka Denmarka.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo shirka ka firmidoona dalka Denimark 19-ka bishan, kaasoo looga hadlayo arrimo ku saabsan horumarka dalka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowlada Denmark ayaa waxaa shir gudoomin doona madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo shirka ay ka qeybgalayaan wadamada deeq bixiyaasha ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale shirka ayaa la filayaa ineey ka soo baxaan go’aano wax u tar u leh dalkeena Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com