Doorasho maanta ka dhacaysa Baydhaba iyo Shariif Xasan oo musharaxiinta ka mid ah

0

Baydhabo, AGGM: Magaalada Baydhaba waxaa maanta la filayaa in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo musharaxiinta uu ku jiro Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan ayaa shalay gaaray magaalad Baydhaba, waxaana uu cadeeyay in uu ka mid yahay musharaxiinta u taagan xilka madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo la og yahay in dowladda ay diiday shirkaan sii socoshadiisa.

Waxaa maanta Baydhaba looga diyaar garoobayaa doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana laga yaabaa in siyaasadda ka jirta Baydhaba ay weji cusub keento.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com