Akhriso: Golaha Wasiirada Oo Kala Jabay Iyo Wasiirada Damujadiid Oo Ceeb Dhex Taagan.

0

Muqdisho, AGGM:Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa u muuqda kuwa u kala jabay labo garab oo kala taageersan Siyaasada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed.

Wasiirada ayaa qeyb weyn ka qaadanaya Khilaafka xalka loo waayay ee ka dhax aloosan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha , waxa ayna xili walbo Wasiirada xaadir ku yihiin Xafiisyada ay Madaxtooyada ku leeyihiin Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha.

Waxaa xafiisyadooda tagin maalmihii lasoo dhaafay inta badan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya kuwaa oo shaqadii Qaranka uga mashquulay Xiisada Siyaasadeed ee ka dhax aloosan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabadi Wali Sheekh Axmed.

Hadaba Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Sida ay Wasiirada Xukuumada Soomaaliya u kala taageersan Yihiin Madaxweynaha iyo Ra’iiul Wasaaraha .

Halkan ka Aqriso Wasiirada Taageersan Siyaasada Madaxweynaha

1-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/llaahi Goodax Bare

2-Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed

3-Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane

4-Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud

5-Wasiirka Macdanta Daa’uud Maxamed Cumar

6-Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali

7-Wasiirka Arrimaha Dibadda Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle

8-Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday)

9-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Luqmaan Sheekh Ismaaciil

10-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Yuusuf Macalin Amiin (Baadiyow

11-Wasiirka Qorsheynta Saciid C/laahi Maxamed

12-Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed Baafe

13- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow

14-Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan

Halkan ka Aqriso Wasiirada iyana Taageersan Siyaadada Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya.

1- Ra’izul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed

2- Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow

3- Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow

4- Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg

5-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada sare Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel

6- Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan

7- Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed

8- Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye

9- Wasiirka Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Maxamuud

10- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Aadan Maxamed Nuur

11- Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale u kala jabay Labo garab oo kala taageersan Madaxweynaha iyo Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana hada Magaalada Muqdisho laga dareemayaa Xiisad Siyaasadeed oo ka dhalatay Khilaafka Madaxda sare u dhaxeeya, Beesha Caalamka ayaana ku guul dareesatay xal ka gaarista Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha.

Isku soo wada duuboo Wasiiradan ka tirsan urur diimeedka Damujadiid ee uu xubinta ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haddii ay iscasilaan waxaa lagu wadaa in R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed uusoo magacaabo Wasiiro buuxinaya Wasaaradaha ay baneeyeen Wasiiradaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com