XOG:Gudoomiye Jawaari “Madaxweyne R/wasaarahan Waa Kibray Ee Mooshin Halaga Keeno, R/wasaare Madaxweynaha U Sheeg Howlaha Golaha Fulinta Faraha Hakala Baxo”.

0

Muqdisho, AGGM: Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu yahay shaqsiga wada foowdada ka taagan golaha Baarlamaanka.

Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa lagu eedeenayaa in habdhaqankiisa uu yahay amaba wejigiisa runta ah uu yahay nin (QAA’IN) ah, marka uu la joogo Madaxweyne Xasan-na waxa uu ku yiraahdaa Madaxweyne R/wasaarahan waa kibray Mooshin halaga keeno, waa in meesha laga saaraa, adaana ku taageersanahay ee soo abaabul mooshin ka dhanka ah Xukuumada R/wasaare Cabdiwali Sheekh…

Sidoo kale ayaa Gudoomiye Jawaari waxaa uu marka uu la joogo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed waxa uu yiraahdaa Mudane R/wasaare Cabdiwali Sheekh adigaa ku taagan wadada saxda ah ee ku taagnoow moowqifkaaga, waana ku taageersanahay ee Madaxweynaha waa inuu faraha kala baxaa arrimaha Golaha fulinta.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa ay ku eedeenayaan in Gudoonka Baarlamaanka ay yihiin kuwo aan dhex dhexaad ka ahayn khilaafka Madaxweynaha iyo R/wasaaraha.

Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa Xildhibaanada ay sheegayaan inuu yahay nin burburinaya Qaranka Soomaaliyeed islamarkaana aan xaq dhoowrayn Dastuurka iyo Badbaadinta Qaranka, mar walbana waxa uu gaas iyo dab la daba taagan yahay Khilaafka Madaxweynaha iyo R/wasaaraha.

Isku soo wada duuboo Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa lagu xasuustaa khilaafkan kii ka horeeyayna inuu ahaa nin aan dhex dhexaad ka ahayn, Khilaafkana aan dhex dhexaad kama aha waana nin mar walba ka ganacsada dhaqaale badan ka aruursada khilaafka Madaxweynaha iyo R/wsaaraha….

jawaari
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com