Dhageyso: Xildhibaan Xoosh”Nicholas Kay Ayaa Ka Dambeeyay Qaska Ka Taagan Baarlamaanka Federaalka”

0

Muqdisho, AGGM: Xildhibaana C/raxmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hadlay Buuqa iyo Fowdada Labadii kulan ee ugu danbeeyay Baarlamaanka hareeyay,waxaana uu sheegay in Arrimo Siyaasadeed ay tahay in Baarlamaankii Qaranka Soomaaliyeed la isku diro.

C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Ergayga gaarkaa Ee Xoghayaha Guud ee QM  u Xilsaaran Arrimaha Soomaaliya Nikolase Kay uu ka danbeeyo Qaska iyo Isku dhexyaaca ka jira Baarlamaanka Soomaaliya,isagoona Arrintaasi ku tilmaamay mid aad u fool xun.

“Dadka Soomaaliyeed ha ogaadaan Arrintaan waxaa Faraha kula jira Dad Ajanabi ah oo uu ugu horeeyo Nikolase Kay,aniga waxaan kamid ahaa Siyaasiintii Dalka Soomaaliya u soo halgantay oo mar uun jeclaa in laga baxo KMGka,waqtigaa ayaa roonaa oo hada Baarlamaan ma jiro.

Hadalka Xildhibaan Xoosh Jabriil ayaa imaanaya,iyadoo horay Ergayga gaarkaa ee QM Arrimaha Soomaaliya Kay uu sheegay in ay jiraan Xildhibaano Codkooda Lacag ku badalanaya oo doonaya in uu meesha ka baxo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda,waxaana Labadii Kulan ee Baarlamaanka uu yeeshay ay ku soo dhamaadeen Buuq iyo Natiijo la’aan.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com