Warbixin:R/wasaare Cabdiwali Sheekh Hadduu Baneeyo Xafiiska Amaba Joogo Xafiiska, Xagee Ku Dambeenayaan Madaxweyne Xasan Iyo Xulufadiisa?

0

Caalamka markaad ku wareegto oo aad booqato dalal kala duwan amaba shacabkooda iyo siyaasiyiintooda muxaafid iyo mucaardba si hoose u wareysato waxaa ay ku kuligood ku oranayaan hal kalamad oo ah (AWAL WADAN),taa oo ay ulla jeedaan wax walbaa waxaa ka horeeya WADANKA, waa nasiib daro in kalmadaas ama dareenkaas Wadaninimo ee shucuubta caalamka ay wada qabaan ama dareemayaan laga waayo dadka Soomaaliyeed.

Subaxba meel ayay mareeysay Siyaasada Soomaaliya maantana waxa ay maraysaa halkii ay ugu xumeyd abid ee ay arkaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa khilaaf ba’an oo in mudo ah soo jiitamayay uu ka dhex Aloosan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh khilaafkas oo xataa saameeyn weyn ku yeeshay Xildhibaanadi Baarlamaanka Soomaaliya oo laba garab u kala jaban danteey doonaanba ha lahaadeene.

Khilaafka Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa waxa uu sameeyay sidoo kale dhamaan Hay’adihi kale ee Dowladda Soomaaliya oo dhamaan hoowlahoodi shaqo u xaniban yihiin Khilaaka Madaxda Sare…

Dhamaan Shacabka, dadka indha indheeya Siyaasada Soomaaliya, Saxaafada gudaha iyo Dibedda iyo Dowladdaha Daneeya Arrimaha Soomaaliya (Beesha Caalamka) ayaa waxa ay indha ku hayaan khilaafka Madaxda iyo saameynta uu ku yeesha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la saadaalinayaa in khilaafkan uu ku dmabeyn doono sidan soo socota.

Maxaa Dhacaya Haddii Uu Sii Joogo Xafiiska R/wasaare Cadbiwali Sheekh?

Dadka indha indheeya siyaasada iyo siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan haddii uu xafiiska sii joogo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed in marnaba aysan dhici doonin inay wada shaqeeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh maadaama ay isla gaareen meel aad u foolxun.

Suuragal ayay ahaan lahayd haddii ay jiraan Hay’ado dhex dhexaad ah oo ka madax banaan labada Xafiis ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh oo loo xilsaaro isku xirka labada xafiis balse nasiib daro ama ya jiraan Hay’adahaas, mana ay jiraan cid ka madax banaan ama dhex dhexaad ka ah khilaafka Madaxweynaha iyo R/wasaaraha.

Dhinaca kale R/wasaare Cabdiwali Sheekh marka la eego qaabka hadda wax u socdaan waxa uu gaaray Guul, balse haddii uu sii joogo waxaa dhacaysa in loo maleego shirqoolo lagu fashilinayo Guusha uu iminka Gaaray, waxayna sahleysaa in ay eedeesanayaasha waa Madaxweynaha iyo Xulufadiisa ay eedaha lagu haysto iminka iska tirtiraan amaba meesha ka saaraan iyagoo usoo raraya dhanka R/wasaraha iyo Xukuumadiisa, waana waxa ay iminka ku mashquulsan yihiin siday u suurogalin lahaayeen.

Sidaas awgeed waxaa suurogal ah in ugu dambeynta xal loo arko in R/wasaare Cabdiwali iyo Xukuumadiisa ay baneeyaan Xilka ay u hayaan Ummada Soomaaliyeed.
Maxaa Dhacaya Haddii Uu Baneeyo Xafiiska R/wasaare Cadbiwali Sheekh?

Waxaa hubaal ah in Soomaaliya aysan kasii jiri doonin dowladd la aqoonsan yahay (Taageero Ka Haysata Caalamka) oo awood u leh inay gaarsiiso Hiigsiga 2016,taas ayaana waxa ay sabab u noqonaysaa In Madaxweyne Xasan Sheekh uu galo Go’adoon Siyaasadeed iyo Mid dhaqaale oo soo de dejin doona fashil siyaasadeed oo soo wajaha Madaxweynaha iyo kooxda ku xeeran ee ka shaqaysay amaba soo abaabushay khilaafka lagu Riday Xukuumada R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Waxaa guuleystay  Dowladdaha deriska la ah Soomaaliya ee Diidan in Qaran awood leh in uu ka dhasho dalka Soomaaliya farxad iyo damaasdhaadna u dhaqaaqay maadaama ay Qoorta isu galiyeen amaba fashiliyeen taageeradi beesha Caalamka ee Soomaaliya, waxayna noqonaysaa waxii markaa ka dambeeya in iyaga oo qura wax laga weeydiiyo arrimaha Soomaaliya…

Dowladdaha deriska ah ayaa guushaan waxaa u fududeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xulafadiisa, Mas’uuliyada waxii ka dhashana  iyagaa qaadaya.

Halkee Ku Dambeynayaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xulafadiisa?

Jawaabtu waa sahal, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xulafadiisa waxa ay ku dambeenayaan in Caalamku kusoo rogo cunaqabatayn dhan walba ah iyadoo weliba si fool xun loo go’adoomin doono.

Madaxweyne Xasan Awoodiisa ma ay dhaafsiisnaana doonto xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaa gabi ahaan gobolada ka dhacaya kacdoon ka dhan ah Madaxweynaha iyo Xulufadiisa, waxaana suuragal ah in maalin kamid ah mudada uu hayo Xilka Madaxweyne Xasan aanu aragno isagoo macsalaamenaya Shacabka isagoo aan dhamaysan waqtiga u haray….

Isku soo wada duuboo xaalada Soomaaliya ayaa waxa ay maanta maraysaa halkii ugu Xumeyd, waxaana Qatar weyn kusoo wajahan tahay Qarannimada Soomaaliya, mana ay jiraan cid u danqanaysa ama u naxaysa QARANKAAS dhiig baxaya ee sii liicaya…
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com